Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Xassan Shiikh oo isbedel degdeg ah ku sameynaya ciidamada xoogga dalka iyo NISA
    Somalia

    XOG: Xassan Shiikh oo isbedel degdeg ah ku sameynaya ciidamada xoogga dalka iyo NISA

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa go’aamiyay isbedel degdeg ah oo uu ku sameeyo hoggaanka ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ah, gaar ahaan ciidamada Xoogga dalka iyo Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

    Idilnews – ayaa ogaatay in kulan xalay dhexmaray Madaxweyne Xassan Shiikh iyo saraakiisha ciidamada oo uu folaad u ahaa Gen. Odawaa Raagge, lagu gorfeeyay guul darrooyinka is xigxigay ee todobaadyadii lasoo dhaafay soo gaaray ciidamada xoogga dalka.

    Si gaar ah, kulanka ayaa diirada lagu saaray la wareegitaanka argagixisada Alshabaab ee degmada Aadan Yabbaal, taas oo maleeshiyaadka kooxdu qabsadeen xilli ay ku sugnaayeen Gen. Odawaa iyo in kabadan 2 kun oo askari, kuwaas isaga cararay fariisimihii ay ku lahaayeen degmada.

    Xassan Shiikh ayaa eeddo waa weyn dusha u saaray saraakiisha hoggaamisay ciidamada Xoogga dalka iyo NISA, isagoo sheegay in la sameyn doono isbedel degdeg ah, inta ka horeysana la adkeeyo difaacyada hadda ay ku sugan yihiin ciidamada jooga jiidaha hore.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    January 6, 2026

    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐢𝐢𝐥 oo ka degay Hargaysa

    January 6, 2026

    Qabashada Madoru oo fadeexad ku noqotay Shiinaha.

    January 5, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐢𝐢𝐥 oo ka degay Hargaysa

    Qabashada Madoru oo fadeexad ku noqotay Shiinaha.

    Todobaadkii Labaad oo Banaanbaxyo waa weyn ka socdaan Iran

    Gudiga farsamada Golaha Mustaqbalka Somaliyed oo kulan uga furmay Garowe

    Maxay kawada hadleen Xasan Shiikh iyo Sh.Shariif?

    Faallo:-Qabashada Moduro iyo saamaynta caalamka?

    Faallo:-Loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Ee Yemen?

    Xog:-Shidaal baarista Turkigu ka wado Somaliya?

    Maraykanka oo weeraray gudaha caasimada Venezuela

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.