Guud ahaan Ceelasha lagu tuhmayo in shidaal ku jiro ee Somaliya,waa 266.
66-ka mid ah Ceelashaas,ayaa ku yaal Bartamaha iyo Koonfurta laga bilaabo Hobyo ilaa Raaskanbooni,iyaga,ayaana qayb ka noqday qorshihii shidaal baaris ee DFS ay waday.
3-ka mid ah Ceelashaas,ayaa Turkiga lagula heshiiyay in ay ku sameeyaan xaqiijin Shidaal.
Turkidu,waxay doorteen in ay ku hormarayaan Ceelka Galmudug ee Hobyo.
Ceelkaas,waxay xaqiijiyeen in uu leeyahay calaamadihii in uu ku jiro shidaal.
Kadib,waxaa loo gudbay Wajigii xigay oo ah kan hada la aadayo oo la rabo in lagu xaqiijiyo…..
- Nooca shidaal ee ku jira.
- Afka Ceelka halka uu jiro.
- Shidaalka ku jira in uu iibgeli karo.
Hadii Ceelkan shidaalka ku jira noqdo mid iibgeli kara,waxaa la wareegaya Shirkadaha waa weyn ee Maraykanka,waxayna qaadan doontaa soo saaristiisa xataa hadii la dadajiyo ilaa 2035.
Soo bandhigida Markabkan ee Maanta,waa garab umuujin siyaasadeed oo Xasan ee mahan xaqiiq hada taagan.
