Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Hadii la waayo Qaran loo siman yahay in lakala tago ayay ugu badisaa Puntland
    Puntland

    Faallo:-Hadii la waayo Qaran loo siman yahay in lakala tago ayay ugu badisaa Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 12, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bartamaha iyo Koonfurta oo aan udiyaarsanayn in ay Dowlad noqdaan,ayaan ku dhufanay Irbad foolkululaysa ah……

    1.Waxaan abaabulnay dhismaha DF oo Somali yeelato,waa ku guulaysanay 7-Shir kadib.

    1. Waxaan xanbaarnay oo kaligeen dusha saaranay juhdigii ugu badnaa ee Dowladaas ubaahnayd si ay ugaarto Villa Somaliya,waana gaartay.

    3.Waxaan u istaagnay oo si ka balaaran Somalida kale xil iskaga saarnay in ay yeelato Dowladaas Dastuur,waa na yeelatay.

    1. Waxaan u istaagnay oo si gaar ah xil iskaga saarnay in ay Dowladaas hesho aqoonsi Qaranimo,waana heshay oo kmg ayay ka baxday.
    2. Waxaan ka shaqaynay oo Geed fadhi unoqonay Dowladaas in ay noqoto mid gudaha ka hana qaada,waana dhaqaaqday oo waxaa lagu wareejiyay…..

    B.Maamulkii Hawada( Somali Civil Aviation).
    T.Maamulkii hay’ada socdaalka.(Imgration-ka)
    J.Maamulkii Deeqaha caalamka.(New Deal).

    1. Waxaan diyaar u ahayn kasii shaqaynta awoodaha harsanaa in Gacanteeda la geliyo sida……

    B.Midaynta siyaasada amniga ( Dhismaha Ciidan Qaran).

    T. Midaynta siyaasada dhaqaalaha (Midaynta Canshuuraha iyo miisaaniyadaha).

    Balse nasiibdaro dadaalkayagaas hadaan nahay reer Puntland,waxaa loolan ku ahaa burburin guulaha la gaaray,kaasoo ka imaanayay Somalidii kale oo u arkay shaqada dhismaha Qaran ee socota wax reer PL gaar uleeyihiin.

    Haatan iyo dan?

    Tanaasulaadkii aan ku samaynay niyad wanaaga iyo in Qaran Somaliyed oo aan caalamka kula tartano in la helo daraadiis,waxaaan aqbalnay…..

    B. In Garowe oo kaligeed shidan Wadankoo dhan lawada shido.

    T.In Puntland oo kaligeed Jamhuuriyad ah lala simo DG Xaafado ah.

    J.In Madaxweynaha Puntland oo ah Madaxweyne Qaran in uu la maqaam noqdo Niman Xaafado jooga.

    Waa in aan dib uga xisaabtanaa oo aan Miiska soo saarnaa…..

    B.Caasimada Wadanka.
    T. Nidaamka Wadanka.
    J. Qaybsiga awoodaha amniga.
    X.Qaybsiga awoodaha siyaasadeed.
    Kh.Qaybsiga Deeqaha.

    Shalay hadaan tanaasulnay Maanta,waa in aan xisaabtanaa oo aan ka faa’idaysaynaa fursada Xasan sameeyay ee uu Gacmihiisa ku fashiliyay wixii la dhisay.

    Dowladnimada Villa Somaliya Maanta taala habayaraatee wax dan gaar ah oo noogu jirtaa majirto hadaan reer PL nahay ee aan dayno Xasan ha burburiyee.

    Hadii la waayo Qaran loo siman yahay in lakala tago ayay noogu badisaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Mareykanka iyo Itoobiya oo u yeeray Madaxweyne Deni

    July 24, 2026

    Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-bedelka Xeerka Xisbiyada Puntland

    July 23, 2026

    Diyaarad hub iyo maleeshiyaad u wada Ilmo Diyaano oo kasoo kacday Muqdisho

    July 23, 2026
    Latest Posts

    The President of Puntland is meeting with US and Ethiopian officials in Addis Ababa.

    XOG: Mareykanka iyo Itoobiya oo u yeeray Madaxweyne Deni

    Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-bedelka Xeerka Xisbiyada Puntland

    Diyaarad hub iyo maleeshiyaad u wada Ilmo Diyaano oo kasoo kacday Muqdisho

    Cirro “Reer Sool gacmo furan halagu soo dhaweeyo”

    QARDHO: Asad Diyaano oo maleeshiyo ku aruurinaya deegaanka ‘GERI-HEL’

    Dhimasho ka dhalatay Shil kale oo ka dhacay Deegaanka Soomaalida

    𝐃𝐃𝐒: Gaari Bus ah oo ka baxay Jigjiga oo rogmaday

    Firxad katirsan maleeshiyaadka ilma Diyaano oo gacanta lagu dhigay

    Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.