Gaari Bus ah oo baxay Jigjiga kuna wajahnaa caasimadda Itoobiya ee ee Addis Ababa ayaa gudoomay aroornimadii saaka.
Goobta gaarigu ku dhacay ayaa loo yaqaan Jiro, waxaana ilaa hadda lala tacaalayaa in gaariga laga soo guro dadkii saarnaa, kuwaas tiro badan oo kamid ah ay soo gaareen dhaawacyo, wallow ilaa hada aan la tabin dhimasho.
Maalmo kahor ayay ahayd markii Shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga degmada Qabri-bayax ee Dowlad deegaanka Soomaalida ay ku naf waayeen 12 qof, Halka saddex qof oo kale ay dhinteen kaddib markii uu ku dumay Qabri wadareed loo qodayay dad shilka ku dhintay.
IDILNEWS
