Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”
    Puntland

    Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 21, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa sheegtay in howlgal qaatay saacado kooban, kana dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari ay kusoo qabteen maleeshiyaad hubaysan oo khal-khal gelin amni ka abuurayay deegaanada Puntland.

    War kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagaxisada Puntland ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka hubaysan ay u shaqeynayeen Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee DFS Xassan Shiikh, si ay waxyeeleeyaan Amniga iyo xasiloonida Puntland. Waxaana intaa uu ku daray in la dabajoogo firxadkooda, lana soo afjari doono saacadaha soo socda.

    “Ciidamada Difaaca Puntland oo deegaanka Laag kusoo afjaray hawlgal qaatay saacado kooban malayshiyaad khal-khal amni ka abuuray Puntland, muddooyinkii u dambeeyey, kuwaas oo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya sal u yahay abaabulkooda.”

    “Xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee sharcidarada wadanka ku joogta ayaa malayshiyaadkan u abaabushey, si ay u waxyeeleeyaan amniga, xasiloonida, wadajirka, dowladnimada iyo nabadda Puntland. Malayshiyaadkan ayaa ciidamadu ka qabteen gawaari ciidan, hubka noocyadiisa kala duwan iyo maxaabiis, halka lagu raadjoogo firxadkooda oo kala firdhaday, saacado koobanna lagu soo afjaridoono.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.