Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta meelmariyay Wax-ka-bedelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada siyaasadda Dowladda Puntland.
Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa dood adag xildhibaanadu ka yeesheen wax ka bedelka Xeerka oo maalmihii u dambeeyay horyaallay.
33 Xildhibaan ayaa u codeeyay ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada siyaasadda Dowladda Puntland, halka 2 Xildhibaan diiday, 2 kalena ka aamustay.
Wax-ka- bedelka Xeerka Urrurada iyo Xisbiyada Siyaasadda Dowlad Puntland oo muhiimad gaar ah u leh Xoojinta dimuqraadiyadda, horumarinta hannaka axsaabta badan iyo hubinta in doorashooyinka Puntland ku qabsoomaan hannaan sharci oo hufan.
IDILNEWS
