Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Firxad katirsan maleeshiyaadka ilma Diyaano oo gacanta lagu dhigay
    Puntland

    Firxad katirsan maleeshiyaadka ilma Diyaano oo gacanta lagu dhigay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 21, 2026Updated:July 21, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In kabadan 30 Askari oo kamid ah maleeshiyaadka ilma Diyaano ee horey loo oran jiray PSF, ayaa gacanta lagu dhigay, kuwaas oo kamid ah ilaa 60 maleeshiyaad ah oo xalay ka baxsaday Togga Madar Jiifle ee Laag.

    Maleeshiyaadka ayaa ahaa kuwii watay gaadiidka dagaal, shalayna iska hor imaadka la galay ciidamada Difaaca Puntland. Waxaana markii la qabtay loo sameeyay gurmad, iyadoo la siiyay Biyo iyo cuno, halka lala tacaalay xaalada caafimaad ee qaarkood.

    Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagaxisada Puntland ayaa saaka sheegay in maleeshiyaadkan loogu talagalay in ay khal-khal gelin amn ka sameeyaan deegaanada Puntland, ayna u shaqeynayeen Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee jooga Muqdisho, Xassan Shiikh, balse laga hortagay.

    Tallaabada Puntland ka qaaday maleeshiyaadka ilma Diyaano ayaa ah farriin adag oo ku wajahan kooxaha abaabulan ee ku jiheysan falal amni darro oo ka dhacay gudaha Puntland.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”

    July 21, 2026

    BOOSAASO: Maleeshiyaadka Ilmo Diyaano (PSF) oo isku dhiibay Ciidanka Puntland

    July 21, 2026

    Dagaal ka socda duleedka Boosaaso

    July 20, 2026
    Latest Posts

    Firxad katirsan maleeshiyaadka ilma Diyaano oo gacanta lagu dhigay

    Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”

    BOOSAASO: Maleeshiyaadka Ilmo Diyaano (PSF) oo isku dhiibay Ciidanka Puntland

    Dagaal ka socda duleedka Boosaaso

    QABRI-BAYAX: 3 qof oo ku geeryooday Qabri ay u qodayeen 12 qof

    Sidee u socotaa shaqada Dekedda Boosaaso?

    MUQDISHO: Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo korontada laga jartay

    π‚πˆπ‹πŒπˆ-ππ€π€π‘πˆπ’: Saamaynta Dhaqaale ee Colaadda Iiraan iyo Israa’iil ku yeelatay Puntland

    Mareykanka oo uga mahadceliyay DFS u gacan gelinta Cabdikariim Iidleh

    Deni oo Haweenka Puntland ku amaanay doorkooda sugida Amniga

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.