Xassan Shiikh oo hurinaya colaad ka dhacda gudaha Puntland, ayaa saaka Muqdisho kasoo diray diyaarad sida hub iyo rasaas, taas oo qorshuhu yahay inay ka degto xaafada baraxley ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Diyaarada oo ay la socdaan maleeshiyaad uu soo aruuriyay Asad Diyaano, ayaa la doonayaa in lasoo galiyo Gaalkacyo, iyagoo degi doona xerada ilma Diyaano (Ex PSF) ay ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdulaahi Yuusuf.
Idilnews ayaa ogaatay in maleeshiyaadka iyo hubka loogu talagalay, inay qeyb ka noqdaan falal amni darro oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay wadajir u fulin doonaan maleeshiyaad uu Xassan Shiikh sheegay in u diiwaangeliyay Ciidanka Xoogga Dalka, qeybtooda Puntland.
Hay’addaha Amniga Puntland oo la socday dhaqdhaqaaqan, ayaa diyaariyay qorshe looga jawaabayo fal kasta oo Amni darro oo ka dhaca gobolka Mudug, Dowladda ayaa kordhisay ciidamada jooga gobolka, iyadoo heegan Sare la galiyay.
IDILNEWS
