Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»XOG: Mareykanka iyo Itoobiya oo u yeeray Madaxweyne Deni
    Puntland

    XOG: Mareykanka iyo Itoobiya oo u yeeray Madaxweyne Deni

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 24, 2026Updated:July 24, 2026No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa galabta u amba-baxay dalka Itoobiya. Diyaarad gaar ah ayaa ka qaaday Madaxweynaha garoonka diyaaradaha caasimadda Puntland ee Garoowe.

    Madaxweyne Deni ayaa habeenimadii xalay ilaa maanta ku wargeliyay qaar kamid ah xubnaha dowladdiisa ee ku dhow safarkiisa Itoobiya, kuwaas oo dhankooda laga helin faahfaahin rasmi ah, marka laga soo tago in uu u sheegay in uu yahay safar degdeg ah oo qaadan kara maalmo.

    ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ป๐—ถ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—œ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ ?

    Ma aheyn safarka Madaxweyne Siciid Deni ee Itoobiya, mid horey u qorsheysnaa, waxaana uu yimid xilli adag oo Puntland wajahayso duullaan ka dhan ah Amnigeena, kaas oo uu kusoo qaaday maamulka Muqdisho ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Xassan Shiikh Maxamuud.

    Idilnews ayaa heshay in safarka Madaxweyne Deni uu ku yimid wada-hadallo socday dhowr maalmood, kaas oo u dhexeeyay xafiiska Madaxweynaha Puntland, Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

    Dhinacyada ayaa ka wada-hadlayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyadoo xubno sare oo dhanka sirdoonka Puntland laga soo xigtay in Mareykanka iyo Itoobiya ay ka digeen jiritaanka falal argagixiso oo kusoo wajahan Puntland. Addis Ababa ayaa doonaysa in la xaqiijiyo sugnaanshaha amni ee Puntland, maadama xuduudka Puntland iyo Itoobiya ay isku furan yihiin, uuna si weyn u saameyn karo xasiloonideeda gudaha.

    Puntland ayaa dhowaan burburisay shabakaddo argagixiso oo ku wajahnaa Itoobiya, iyadoo magaalooyinka waa weyn ee Puntland laga qabtay ku dhowaad 60 dhallinyaro ah oo kasoo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida, kuwaas la doonayay in loo qaado dalka Eritrea, si loogu soo tababaro, dibna loo galiyo Itoobiya, si qeyb uga noqdaan dagaalada ka dhanka ah Dowladda Itoobiya.

    Dhallinyarada oo lagu qoray in laga dhigay Ciidan Soomaaliyeed, ayna diiwaangelinayaan xubno katirsan xafiiska Raโ€™iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre oo ka wakiil ah Dowladda Masar, ayaa galkooda lagu wareejiyay hayโ€™addaha amniga DDS. Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada DDS ayaa xaqiijiyay qabashada dhallinyarada oo uu uga mahadceliyay Puntland. Waxaana uu sheegay in loo sameyn doono dhaqancelin, dibna loo gelin doono waxbarasho.

    ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฒ ๐——๐—ฒ๐—ป๐—ถ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐—”๐—ฏ๐—ถ๐˜† ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐—ฏ๐—ป๐—ผ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐˜†๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐—ต.

    Inta uu joogo Addis Ababa, Madaxweyne Deni ayaa kulan gaar ah la yeelan doono Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Qodobada ugu weyn ee wada-hadalku waa marxalada amni iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya, sidii Puntland ugu diyaar-garoobi lahayd khatarta amni ee kusoo food leh iyo iskaashiga dhinacyada sirdoonka iyo milateriga.

    Sidaas oo kale, Siciid Deni ayaa la kulmi doono dublamaasiyiin sare oo Mareykan ah.

    Xogaha ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Deni uu saxiixi doono iskaashi cusub oo Amni oo dhexmari doona Puntland iyo Itoobiya. Addis Ababa ayaa hada Puntland ka taageerta dhinacyada sirdoonka iyo tababarada ciidamada, waxaana ku sugan gudaha Puntland ilaa 20 saraakiil amni ah oo tababarada ciidanka kala duwan ee Puntland.

    Mareykanka iyo Itoobiya ayaa door weyn ku lahaa dagaalkii Puntland la gashay kooxda argagixisada ee Daacish, waxaana Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africa (AFRICOM) uu si weyn ugu amaanay ciidanka Puntland ee PDF inay muujiyeen awood iyo adkeysi, si adagna u jabiyeen maleeshiyaadkii Daacish.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-bedelka Xeerka Xisbiyada Puntland

    July 23, 2026

    Diyaarad hub iyo maleeshiyaad u wada Ilmo Diyaano oo kasoo kacday Muqdisho

    July 23, 2026

    Cirro “Reer Sool gacmo furan halagu soo dhaweeyo”

    July 22, 2026
    Latest Posts

    XOG: Mareykanka iyo Itoobiya oo u yeeray Madaxweyne Deni

    Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-bedelka Xeerka Xisbiyada Puntland

    Diyaarad hub iyo maleeshiyaad u wada Ilmo Diyaano oo kasoo kacday Muqdisho

    Cirro “Reer Sool gacmo furan halagu soo dhaweeyo”

    QARDHO: Asad Diyaano oo maleeshiyo ku aruurinaya deegaanka ‘GERI-HEL’

    Dhimasho ka dhalatay Shil kale oo ka dhacay Deegaanka Soomaalida

    ๐ƒ๐ƒ๐’: Gaari Bus ah oo ka baxay Jigjiga oo rogmaday

    Firxad katirsan maleeshiyaadka ilma Diyaano oo gacanta lagu dhigay

    Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”

    BOOSAASO: Maleeshiyaadka Ilmo Diyaano (PSF) oo isku dhiibay Ciidanka Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.