Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»BOOSAASO: Maleeshiyaadka Ilmo Diyaano (PSF) oo isku dhiibay Ciidanka Puntland
    Puntland

    BOOSAASO: Maleeshiyaadka Ilmo Diyaano (PSF) oo isku dhiibay Ciidanka Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 21, 2026Updated:July 21, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maleeshiyaad iyo gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ilmo Diyaano, kana tirsan Ciidankii horey loo oran jiray PSF ayaa isku dhiibay Ciidamada Difaaca Puntland, kaddib saacado badan oo ay go’doon ku ahaayeen Togga Madar Jiifle ee deegaanka Laag.

    Idilnews ayaa xaqiijisay in maleeshiyaadka is dhiibay ay wataan 8 gaari oo Tikniko ah iyo gaari Ambulance ah. Waxaana jira Rag hubaysan oo kamid ahaa, kuwaas oo habeenimadii xalay lug uga baxay Togga.

    Ciidanka Puntland oo aroornimadii gudaha u galay Togga Madar Jiifle ayaa hadda si rasmi ah ula wareegay gaadiidka iyo maleeshiyaadka watay, taas oo ka dhigan in howlgalka lasoo afmeeray.

    Maleeshiyaadka ayaa mar qura galabnimadii shalay isku dayay in ay kasoo baxaan dhuuxa Togga Madar Jiifle, balse ciidamada Puntland ayaa weerar ku ekeeyay, waxaana soo gaaray khasaare isugu jira Hal dhimasho ah iyo dhowr dhaawac ah.

    Puntland ayaa dhowaan mamnuucday in maleeshiyaadka hubaysan ee aan ahayn ciidamada Dowladdu ku safri karin gudaha mandiqada, aysana kasoo bixi karin xerooyinkooda, tan ayaa sababtay in xubnaha haysta maleeshiyaad beeleedyadu aysan kasoo bixin guryahooda iyo xeryaha ciidamadooda, baqdin ay ka qabaan in la weeraro.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.