Idilnews ayaa ogaatay in Taliyaha Booliska maamulka Xassan Shiikh ee Muqdisho, Asad Cismaan Diyaano uu maleeshiyaad beeleed ku aruurinayo deegaanka Geri-Hel oo qiyaastii 80-KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Qardho.
Aruurinta maleeshiyaadka ayaa timid kaddib markii maalin kahor ay ciidanka Puntland kusoo afjareen deegaanka Laag maleeshiyaad gaaraya 70, oo watay 8 gaari oo Tikniko ah iyo gaari ambulance ah, kuwaas oo jebiyay amarkii dowladda ee lagu mamnuucay isu socodka maleeshiyaadka hubeysan ee aan ka amar qaadan dowladda Puntland.
Maleeshiyaadka la aruurinayo oo isugu jira ciidamadii horey loo oran jiray PSF oo laga soo saaray Xaafuun kaddib markay ku baxeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Puntland, iyo maleeshiyaad kale oo ka kala tagay Qardho iyo Isku-shuban ayaa la xaqiijiyay in la geeyay deegaanka Geri-Hel.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadkan ay ku biireen odayaal, kuwaas oo hada la leh shir. Asad Diyaano oo fulinaya rabitaanka Xassan Shiikh ayaa doonaya in tallaabada dowladdu ka qaaday loo rogo mid qabiil, lana beegsado Qoyska Madaxweyne Deni.
IDILNEWS
