Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xogtii ugu danbaysay Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho
    Somalia

    Xogtii ugu danbaysay Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2024Updated:March 10, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dabka oo billowday aroortii hore ee saakay,ayaa ka kacay goobaha Ganacsi ee ku yaalla waddada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye.

    Ilaa 12 boos oo isku wareeg ah ayaa gubatay, waxaana lagu iibin jiray elektarooniga iyo bagaashka, qaarkood ayaa gebi ahaanba baaba’ay, halka qaarna weli ay gubanayaan.

    Hal Qoff,ayaa ku dhintay dabka,waxaana la damiyay Shan Guri oo dabku qabsaday.

    Khasaaraha hantida weli lama ogaan,waxaana socda baaritaan.

    Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay in lagu guuleystay in lasoo afjaro dabka.

    Wuxuu sheegay in dad uu ku eedeeyay kicinta dabka lagu daba jiro lana soo qaban doono.

    “Iyadoo la hurdayo ayay inta kartoonno kusoo qaadeen sida qof khashin wada oo kale ayay dhigeen irdaha goobaha ganacsiga, maamulka gobolka Banaadirna waqti ayay gelin doonaan suuqa, welina baaritaan ayaa socda.”Ayuu yiri Maxamed Yabooh.

    Rabi ha sahlo Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha Muqdisho. pic.twitter.com/kvPLcUkvSZ

    — Jibril Qoobey (@jibril_qoobey) March 10, 2024

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.