Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xogtii ugu danbaysay Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho
    Somalia

    Xogtii ugu danbaysay Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2024Updated:March 10, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dabka oo billowday aroortii hore ee saakay,ayaa ka kacay goobaha Ganacsi ee ku yaalla waddada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye.

    Ilaa 12 boos oo isku wareeg ah ayaa gubatay, waxaana lagu iibin jiray elektarooniga iyo bagaashka, qaarkood ayaa gebi ahaanba baaba’ay, halka qaarna weli ay gubanayaan.

    Hal Qoff,ayaa ku dhintay dabka,waxaana la damiyay Shan Guri oo dabku qabsaday.

    Khasaaraha hantida weli lama ogaan,waxaana socda baaritaan.

    Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay in lagu guuleystay in lasoo afjaro dabka.

    Wuxuu sheegay in dad uu ku eedeeyay kicinta dabka lagu daba jiro lana soo qaban doono.

    “Iyadoo la hurdayo ayay inta kartoonno kusoo qaadeen sida qof khashin wada oo kale ayay dhigeen irdaha goobaha ganacsiga, maamulka gobolka Banaadirna waqti ayay gelin doonaan suuqa, welina baaritaan ayaa socda.”Ayuu yiri Maxamed Yabooh.

    Rabi ha sahlo Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha Muqdisho. pic.twitter.com/kvPLcUkvSZ

    — Jibril Qoobey (@jibril_qoobey) March 10, 2024

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.