Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xubnaha Qaramada Midoobey oo Xubinimo buuxda u aqoonsaday Falastiin
    Somalia

    Xubnaha Qaramada Midoobey oo Xubinimo buuxda u aqoonsaday Falastiin

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 10, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey qaraar sare loogu qaadayo haykalka dowladnimo ee Falastiin, ka dib codbixin ay u qaadeen dalalka xubnaha ka ah QM,waxaa aqoonsaday in xubin buuxda oo QM ka mid ah, 143 dal, waxaa diidey 9 dal, halka 25 dal ay ka aamuseen.

    Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobey oo ay xubno ka yihiin 193 dal, ayaa sidaas xubin ugu aqoonsaday Falastiin, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in aqoonsadaan xubinnimada Falastiin.

    Falastiin ayaa tan iyo 2012 kor-joogto ka ahayd Qaramada Midoobey, wuxuuna qaraarkani siinayaa dhammaan xaquuqaaha dalalka xubnaha ka QM, marka laga reebo in aysan codeyn karin tan iyo inta ay ka wada ogolaanayaan dalalka rigliga ku ah Golaha Ammaanka.

     

    Golaha loo dhan yahay ayaa ansixiyay qaraar xaqiijinaya xaq u yeelashada Falastiin ee xubinimada Qaramada Midoobay,isagoo ku booriyay Golaha ammaanka inuu dib u eego, iyo in Falastiin la siiyo xuquuqda ka qaybgalka oo la xoojiyay.

    JQ. pic.twitter.com/HWz4FjM4Ec

    — Jibril Qoobey (@JibrilQoobey) May 10, 2024

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.