Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqeyn.
    Somalia

    Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqeyn.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha  Hoose.

    Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 18- Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Aw-dheegle  oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas uu ku dilay Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee ay soo gaartay in dad rayid ah ay wax kasoo gaareen, balse ay dib u eegis ku sameyn doonaan.

    Sidoo kale Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii wado doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa mas’uuliyada Amniga dalka lagu wareejiyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay dueyntii ugu badneyd ee Sanadkaan uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.