Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xulufada R.Galbeedka oo jawaab adag siiyay Xuutiyiinta
    Somalia

    Xulufada R.Galbeedka oo jawaab adag siiyay Xuutiyiinta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Maraykanka, Faransiiska iyo UK ayaa xalay iyo Sabtidii kusoo riday Badda Cas tobannaan diyaaradaha drones-ka ah, kadib markii Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ay beegsadeen markabka xamuulka qaada ee Propel Fortune iyo maraakiibta dagaalka Maraykanka ee gobolka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay militariga Maraykanka.

    Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bishii November weerarro ku qaaday maraakiibta mara badda cas iyo gacanka cadmeed, taasoo ay ku sheegeen olole ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta intii uu socday dagaalka ay Israel kula jirto Xamaas ee Gaza.

    Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta, Yahya Sarea, oo Sabtidii khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa sheegay inay 37 diyaaradood ku bartilmaameedsadeen markabka xamuulka ah iyo “tiro ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee ku sugan badda cas iyo gacanka Cadmeed.”

    Ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbaheysiga ayaa soo riday ugu yaraan 28 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo dul heehaabayay badda cas saacadihii hore ee Sabtida, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM.

    “Ma jirto wax khasaare ah oo soo gaaray maraakiibta Mareykanka iyo kuwa isbaheysiga ee weerarkan, mana jiraan wararka sheegaya in waxyeello soo gaartay maraakiibta ganacsiga,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.

    Horraantii Sabtidii, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in milatarigu uu ka jawaabayay weerar ballaaran oo lagu qaaday maraakiib marayay badda cas iyo gacanka cadmeed intii u dhaxeysay 4-tii ilaa 6:30 subaxnimo.

    Markab iyo diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska ayaa sidoo kale soo riday afar diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo ku sii siqayay maraakiibta badda ee howlgalka Yurub ee Aspides ee gobolka, sida lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Faransiiska.

    Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in markabkeeda dagaalka ee HMS Richmond uu ku biiray xulafada caalamiga ah si ay isaga caabbiyaan weerar ay habeen hore soo qaadeen Xuutiyiintu, iyadoo sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.