Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xulufada sacuudiga oo ku hanjabay in ay talaabooyin dheeriay ka qaadi doonaan dalka Qadar
    Somalia

    Xulufada sacuudiga oo ku hanjabay in ay talaabooyin dheeriay ka qaadi doonaan dalka Qadar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 7, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Afarta dal ee Carbeed ee hogaaaminaya go’doominta ka dhanka ah Qadar ayaa diidmada Dooxa ee dalabkooda ku macneeyay halis ammaanka gobolka ka dhan ah.
     
    War ay si wadajir ah u soo saareen Scuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayay sidoo kale kaga digeen tallaabooyin dheeri ah.
     
    Afartaas dal ayaa xiriirkii u jaray Qadar bishii hore, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha jihaaddoonka ah.
     
    Qadar oo toddobaadkan horraantiisii diiday dalabka ay soo gudbiyeen dalalkan uu Sacuudigu hor kacayo ayaa iska fogaysay eedaymaha loo soo jeediyay.
     
    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa la filayaa in uu Isniinta gaaro dalka Kuwayd oo dhexdhexaadinaya dhibaatada Khaliijka.
     
    War qoraal ah oo ay Khamiistii si wadajir ah u soo saareen Scuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayay ku sheegeen in diidmada Qadar ee 13-kooda dalab in ay ka dhigantahay sida ay u doonayso in ay sii wado siyaasaddeeda ay uga golleedahay in ay ku burburiso ammaanka gobolka.
     
    Waxaa kale oo ay ku hanjabeen in ay soo saari doonaan tallaabooyin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah dalkaas yar ee Khaliijka ku yaalla, iyaga oo aan arrintaas faahfaahin dheeri ah ka bixinin.
     
    Waxyaabaha ay dalalkaasi Qadar ka dalbadeen waxaa ka mid ah in ay albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera iyo in ay hoos u dhigto calaaqaadka ay Iiraan la leedahay iyo sidoo kale in ay ku soo wareejiso dadka ay argagixisonimo u raadinayaan.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.