Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xuska maalinta duumada oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)
    Somalia

    Xuska maalinta duumada oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 25, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Munaasabad lagu xusayo Maalinta Duumada adduunka oo maanta oo kale dunida lagu xuso ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana ka qeyb-galay Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha caalamiga ah.

    Madaxa ka hortaga iyo Xakamaynta Duumada ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cabdikariin xuseen Xasan, oo ugu horayn madasha ka hadlay ayaa sheegay in munaasabadan oo sanadkiiba maanta oo kale bulshada lagaga wacyi galiyo khatarta cudurka laguna baraarujiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen Covid19 awgiis aysan surtagal ahayn in dad badan laysu keeno oo la wacyi galiyo, taas badalkeedana ay warbaahinta u marinayaan bulshada wacyi galinta cudurka la xiriira wuxuu sheegay in munaasabadaan awgeed ay wadaan wacyi galin baaxad leh oo bulshada warbaahinta loo marinayo isla markaana casharada Ardayda dugsiga sare iyo dhexe oo wasaarada waxbarashadu warbaahinta u marinayso ay ku dareen fariimo wacyi galin ah oo isugu jira Covid19 iyo Malaariyo.

    Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa sheegay in wacyi-galinta maanta muhiim u tahay ka hortaga iyo xakamaynta cudurka duumada, isagoo tilmamaay in musiibada Covid-19 ee dunida ku faaftay dhibaato ku noqotay la dagaalanka Cuduradii kale oo lagaga mashquulay, waxuuna ku bogaadiyey waaxda duumadu shaqada balaaran ee ay ka wado la dagaalanka cudurka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.