Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xuutiyiinta Yemen oo weeraro joogta ah ku haya Maraakiibta Bada Cas isticmaala
    Somalia

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraro joogta ah ku haya Maraakiibta Bada Cas isticmaala

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 4, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Markab dagaal oo Maraykanku leeyahay,ayaa ku soo riday Badda Cas diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta.

    Warar horey u soo baxay,ayaa sheegayay in fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ay sheegeen inay beegsadeen maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee marayey Badda Cas.

    Wixii markaas ka dambeeyay, Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo kormeera howlgallada militari ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka uu soo riday saddex diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn, ka dib weerarradaas.

    Taliska ayaa sheegay in markabka USS Carney uu caawiyay Saddex Markab oo ganacsi kuwaas oo xiriir la lahaa 14-wadan oo UK ay ku jirto, Axadii ka dib markii lagu bartilmaameedsaday Badda Cas kaas oo ka yimid meelo ka tirsan Yemen oo ay Gacanta ku hayaan Xuutiyiinta.

    Laba ka mid ah maraakiibta,ayaa lagu garaacay Gantaallo balse ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, ayaa la raaciyay qoraalka ka soo baxay Taliska Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.