Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa ka danbeeyay dilka Xil.Ahmed Aadan Ee Muqdisho?
    Somalia

    Yaa ka danbeeyay dilka Xil.Ahmed Aadan Ee Muqdisho?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 24, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan hore Axmed Aadan wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo ka soo baxay Jaamacadda Madiina Al-Munawara ee dalka Sacuudiga. Wuxuu bartay Culuumta Qaanuunka iyo Shareecada Islaamka.

    Wuxuu ka mid noqday Barlamaankii 9aad ee Federaalka Soomaaliya, isagoo matalaayey Somaliland.  Wuxuu ka mid noqday Guddiga Barlamaanka ee arrimaha Carabta, isagoo mar dambena loo doortay xubin Guddiga arrimaha teknolojiyadda ee Barlamaanka.

    Axmed wuxuu ahaa nin af gaaban, deggan oo aan dhac-dhac badneyn. Sida dadka yaqaana iyo kuwii ay soo wada shaqeeyeen ii sheegeen Wuxuu ahaa nin aqoontiisa diineed iyo maaddi ay ku filneyd.  Weligiisna balwad ma isticmaalin haba yaraatee.

    Axmed shalay isagoo fiican oo aan wax dhibaato qabin ayaa meydkiisa laga heley Muqdisho.  Waa dhacdadii labaad oo dhowr maalmood gudahood lagu beegsado qof kasoo jeeda Hargeysa.

    Been abuuradka ay bilawday @HSNQ_NISA ee lagu doonayo in lagu jaa’ifeeyo meydka Axmed Aadan waa mid walaac leh. Xurmada meydka waa in la dhowraa, qof aad disheen inaad caay iyo aflagaaddo suuqa u marisaan ma aha dhaqan Islaam iyo mid Soomaaliyeed. Ogaada dadku way idinka horreeyaan.

    Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay AUN Marxuum xildhibaan hore Axmed Aadan. Samir iyo iimaan Rabbi ha idinka siiyo.

    W/Q Abdale Ahmed Muumin

    @Cabdalleaxmed

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.