Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa lagu wareejiyay Qandaraaska Logistics Ciidanka PMPF-ta Puntland ?+Warbixin
    Somalia

    Yaa lagu wareejiyay Qandaraaska Logistics Ciidanka PMPF-ta Puntland ?+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019Updated:November 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku guuleystay inuu meesha ka saaro Shirkadda PDG ee gacanta ku heysay Qandaraaska Logistics ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF), oo ay taageero dhaqaale iyo Tababaro ay siiso Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

    Talaabada looga  qaaday Qandaraaska Logistics Ciidanka PMPF Shirkadda PDG, ayaa ka dambeysay kaddib khilaaf soo kala dhex-galay Shirkadda iyo Saraakiisha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee gacanta ku haya Ciidanka, kuwaas oo PDG ku eedeeyay Musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.

    Sidoo kale, Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa wacad ku maray inay joojinayaan taageerada Ciidanka Badda Puntland, hadii aan meesha laga saarin Shirkadda PDG, taas oo soo dadajisay inuu si deg deg u tago Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, waxaana uu ku fashilmay qorshe uu doonayay inuu isugu soo dhaweeyo Labada dhinac.

    Madaxweyne Deni ayaa kulamo badan kaddib go’aansaday in meesha laga saaro Shirkadda PDG, loona wareejiyo qandaraaska Shirkad lagu magacaabo Krone Logistics oo ay lee yihiin Ganacsato Reer Puntland ah oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Deni, kuwaas oo uu saacadaha soo aadan u saxiixi doono.

    Go,aanka Madaxweyne Deni ayaa ka careysiiyay Kooxda ku midowday Shirkadda PDG oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Ganacsato u badan hal beel, kuwaas abaabulay maleeshiyo la beel ah oo haatan ku sugan duleedka Boosaaso, qorsheynayana inay abuuraan qalalaase.

    Dhanka kale, Siciid Deni ayaa la xariiray saacadihii lasoo dhaafay waxgaradka Beesha Cali Saleebaan, kuwaas oo uu kala hadlay inay ka kexeeyaan goobaha ay isku aruursanayaan, kana hor-tagaan qorshaha ay soo abaabuleen danleyda ee loo adeegsanayo dhalinyarada Degaanka, hadii taas ay suuroobi weydana ay Dowladdu qaadi doonto talaabo aan la mahdin doonin.

    Si kasta ha ahaatee, Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wajaheysay xiisado Siyaasadeed iyo dhaliilo uga imaanayay Gobalka Bari, taas oo lagu micneeyay inay dabada ka riixayeen Kooxda ku midowday Shirkadda PDG oo uu kamid yahay Senator Maxamuud Mashruuc.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.