Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yuusuf Garaad “Hadii aad Shar soo qorsheyso, ha sugin in wanaag lagala hor-yimaado” (Faallo)
    Somalia

    Yuusuf Garaad “Hadii aad Shar soo qorsheyso, ha sugin in wanaag lagala hor-yimaado” (Faallo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 4, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wax kasta oo GalMudug ay isu geysatay iyo wax kasta oo uu Federaalku u geystay, haddana mid ayaa ma huraan ah.

    In siyaasadda Gobolku ay horseeddo in uu nabad ku wada noolaado, nabad kula noolaado deriska, kana shaqeeyo horumarka dadweynaha dul, dhex iyo barbar deggan degaan hodon ku ah kheyraad dabiici ah se ka gaajeysan.

    Si nabad buuxda iyo horumar loogu tallaabsado, waxaa ma huraan ah in la wadahadlo, dhabta la is hordhigo, oo la kala garqaato.

    “Guusha” kooxdaada ha ku qiimeyn, ama aan si kale u dhaho, jiritaankaaga ha ku sababeyn keliya waxa aad u dhimi karto dhinac aad is haysaan.

    Is weydii culeyska iyo dib u dhaca ku jira in aad isku daydo in inta kale oo dhan aad adigu muquuniso.

    Adigu keligaa isu qir in aanad dadka kale ka xigin degaanka iyo dalka. In ismuquunin aan horumar lagu gaari karin ka baro taariikhda dhow iyo tan fog ee dalka.

    Bal qiyaas. Wanaag adiga oo wada ayay dhacdaa in shar lagaala hor yimaado. Haddii aad shar soo qorsheyso, rajo ha ka qabin in wanaag lagaala hor yimaado.

    Shar kaltan ah oo marba ay kooxi isku daydo in ay u quus goyso inta kale,

    horumar laguma gaarayo, nabadna waa lagu waayi karaa.

    Xumo kasta oo lagugula kacay, ballanbaxya kasta oo aad daliisheeda hayso, daneysi kasta oo aad ku aragtay qaar, maangaabnimo kasta oo aad ku tuhmeyso dhinaca kale, haddana waa dad degaan iyo dan guud ay kaala dhaxeeyaan.

    Sida keliya ee hore loogu wada socon karaa waa wadahadal lagu goobo is afgarad.

    W/Q: Yuusuf Garaad Cumar

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.