Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo kulankii u horeeyay wada qaatay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Stephen Schwartz iyaga oo ka wada hadlay  taageerada dowladda Mareeykanka ee dhinacyada amniga, mushaaraadka ciidamada iyo gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Danjire Schwartz kaalinta dowladda Mareykanka ay ka ciyaareyso xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday in ay sii kordhiyaan taageeradooda si dalka loogu soo dabbaalo nabad waarta iyo nolol wanaagsan.

Danjire Schwartz ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo guushii uu ka gaaray doorashadii 8da Febraayo, waxa uuna sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay

Gebagabadii kulanka, Danjire Stephan Scharwartz ayaa guddoonsiiyay Maaxweyne Farmaajo koofiyad ka kooban labada midab ee calanka Soomaaliya ee buluuga iyo caddaanka ah oo lagu xardhay ‘Soomaaliya mar kale ka dhig dal magac leh’.

Be the first to comment on "Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo kulankii u horeeyay wada qaatay"

Leave a comment