Video:-Hay’ada Qandaraasyo bixinta Puntland oo horumar lixaad leh ku talaabsatay 3-dii sano ee u danbaysay

Xafiiska Qandaraasyo bixinta Dawlada Puntland ayaa soo bandhigay waxqabadksiii sadexdii sano ee lasoo dhaafay.
 
Hogaanka Xaafiiska Qandaraasyo bixinta Puntland Aagaasime Cabdiqani faarax Dhaashane oo saxaafada la wadaagay mashaariicdii u hirgashay ee ay ku guulaysteen sadexdii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa kamid ahaa mashaariicda ay soo bandhigeen sida:-
 
 
B.Dekada Bosaso qaybteeda Kunteenarada oo dhawaan la saxiixayo.
 
T.Dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Garowe oo mashruuceedii soo dhamaaday bishana uu bilaabanayo.
 
J.Wadada isku xiraysa Bursaalax,Bayra ilaaa Gacno-fale oo dhismaheedu bishan bilaabanayo.
 
X.Wasaarada maaliyada oo dhismahoodii gabagaba marayo.
 
Kh.Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo,Beeraha oo dhismaheedu gaba gaba marayo.
 
D.Wasaarada Amniga dhismaheeda oo gabagaba marayo.
 
R.Dhismaha Bankiga dhexe ee Puntland oo casriya dhismahiisu gaba gaba marayo.
S.Wasaarada Haweenka oo dhismaheedu gaba gaba maryo..
 
Sh,Dhismaha 17 Saldhig Boolis oo laga hirgaliyay
 
Dh.Dhismaha Guriga Waaxda Socdaalka Puntland oo dhamaaday.
 
C.Dhismaha Guriga hay’ada daryeelka Bulshada
 
G.23 Ceel-biyood oo laga hirgaliyay guud ahaan Puntland.
 
F.Nalalka Cadceeda ku baxa oo laga hirgaliyay inta badan deegaamada Puntland.
 
Q.50-jid oo ah mashruuca JPLG-da ah oo laga hirgaliyay Degmooyinka Bosaso,Qardho,Garowe,Gaalkacyo. Eyl.
 
K.400-dukaano iyo Bakhaaro Iskugu jira oo laga hirgaliyey Degmada Gaalkacyo.
 
L. Laybareeriyada Galkacyo ee Wasaaradaha Kaluumaysiga iyo Ganacsiga ee Xaafiisyada Galkacyo.
 
M.Suuqii gubtey ee Bosaso oo ladhisay dhawaana loo qaybin doono. Ganacsata reer Bosaso.
 
N.30-Baabuur oo World-Bankigu u gaday. Wasaaradaha Maaliyada,Shaqada iyo Shaqaalaha,Hay’ada rayidka ah iyo Wasarada Qorsheynta oo ay hada usoo socdaan
 
W.Shaqa qorista Wasaaradaha Dawlada iyo Madaxtooyada Puntland ee World Bank.
 
H. Qalabeynta dhamaan Xafiisyadi shaqaalaha cusub loo qaatey ee World Bank.
 
Y.Dhismaha Wadada Qasriga madaxtooyada Garowe oo ah mid qurux badan.
 
 
Hay’ada Qandaraasyo bixinta Puntland waxay soo jirtay mudo 17-sano ah mana jirin wax horumar ah oo la taaban karo oo ay ku talaabsatay sanooyinkaa badnaa ee ay soo jirtay,marka laga saaro sadexdii sano ee u danbaysay oo uu hogaankeeda qabtay Agaasime Cabdiqani Faarax Dhaashane.
 
Cabdiqani Faarax Dhaashane waa masuulka kiciyay ama guusha ay gaartay hay’adan sadexdii sano ee u danbaysay hormuudka u ahaa,waxuu saxaafada la wadaagay guulaha kale ee uu gaaray xaafiiskan mudadii uu xilkaas hayay,
 
Cabdiqani waxyaabaha uu xusay ee lagu amaani karo dhaxalgalkana u ah shacabka Puntland waxaa kamid ah:-
 
B.Hay’ada Qandaraasyo bixinta Puntland waxay Dawlada u xaraysay canshuur gaaraysa 1-milyan oo Dolar.
 
T.Hay’ada Qandaraasyo bixinta waxay soo afjartay oo joojisay in uusan dalka soo galin ama aan la bixin mashruuc aan soo marin wadadii saxda ahayd oo ku baxa musuqmaasuq.
 
J.Nidaamka Dawladnimo ee Puntland oo xaafiiskan uu ka dhigay mid hufan oo ku fadhiya isla xisaabtan iyo maamul wnaaag.
Hoos ka daawo muuqaalka Qiimaynta hay’ada ee Puntland Tv ka diyaariyay.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Hay’ada Qandaraasyo bixinta Puntland oo horumar lixaad leh ku talaabsatay 3-dii sano ee u danbaysay"

Leave a comment