Dhagarqabe Dhulka Ayaa u Dhaqdhaqaaqa [Sheeko Gaaban].WQ.Maxamed C. Xasan “Alto”

Dhagarqabe Dhulka Ayaa u Dhaqdhaqaaqa

[Sheeko Gaaban]

Waxaa la wariyey waa inuu jirey dhurwaa la magac baxay ”Qooqane.” Da’diisu boqol sano gu’yaal baa uga hadhsanaa. Kaddib Qooqane waxaa la sheegey in uu indhabbeeley oo waxba arki waayay. Kob ayuu iska yaxoobsaday oo yuurarsaday. Wuxuu isugu yeedhey oo u habarwacday wax-allaale iyo wixii ehelladiisii ahaa ee degaankiisa degganaa. Qaraabadii baa u timid oo soo gabraday.

”Aniga ayaa isugu kiin qayladhaantay,” Qooqane ayaa hadalkii furay. ”Tol haddaan ka dhashay, ha lay badbaadsho! Maanta samatabbixin baan u baahnahay. Waad arkaysaan, waanigaa lixaadkii laba i maqan yihiin, dhaayihii ma jiro oo geed kama leexan karo. Da’na waan ku jiraa. Sidoo kale, oday goxosha ayaan ku suganahay. Waxa taa ka sii daran, cadow badan baan leeyahay oo waxaan halis u ahay, Eebbe igu ma keeno’e, in lay ugaadhsado. Xaajo halkaas ayay iga taal. Maxaa talo ah?”

Sokeeyihii waraabaha ayaa si wadajir leh mar qudha u wada yidhi: ”Yaannu kaa ilaalinnaa oo aad godob ka gashay?”

”Qof kastoo noolaa xilligaan xoogga lahaa, godob baan ka galay. Hadduu dhintayna carruurtiisii ayaannan sinnaba uga nabadgelayn,” kuye Qooqane.

Cashiiradii dhurwaaga dhabannada bay qabsadeen. Iyagoo dhakafaarsan ayay Qooqane u kaxeeyeen oo geeyeen dhul aan wax dhaqdhaqaaqa jooginnin, cidla ah oo aan sannado la deginnin.

”Goobtatan aad i keenteen waa kob ma?” ayuu Qooqane weyddiiyey.

Saa laye, ”Waa daraygii weynaa ee Bohol Habardugaag ku yiil.”

”Ba’ay! Hal dhashay oo madi ahayd baan ku cunay. Waryaara, meesha iga qaada!”

Ehelladii mar labaad ayay xambaareen, waxayna kala dhaceen dhul kaloo fog oo aan la deggannayn, malahooduna siiyey inay tahay rug uu ku nabadgeli karo.

Mar kale ayuu Qooqane weyddiiyey, ”War maandhooyinow, waa kob ma?”

”Waa geedkii xamurka ahaa ee Mus Waraabe u dhowaa,” tolkii baa ku warceliyey.

Wuxuu hoos isu yidhi: ”´Belooy baydh!’ Waxaan filayaa in wedka hawshiisii gunaanad tahay.” Dabadeed iyagii ayuu si’ naxdin leh oo baqdini ku jirto ugu yidhi, ”Awr gurgur ah oo agooni lahayd baan ku cunay. Waryaara, meesha iga qaada!”

Qooqane qaraabadiisii mar saddexaad ayay kaxeeyeen oo geeyeen deegaan ka fog dhulkuu gaboodfalka ka dhigey.

War maandhooyinow, waa kob ma?” Qooqane, kolkanna sidiiyoo kale ayuu u su’aalay, isagoo wadnaha farta ku haya oo Tawxiidka qabso iskula dardaarmaya.

Waxaa loogu jawaabay, ”Waa godkii Libaaxyaale ee cuunka lahaa.”

´Ka daroo dibi dhal,’ buu iskula faqay. Cabbaar kaddib ayuu ku yidhi: ”Gabadh midho guranaysay baan ku cunay. Waryaara, magaciin bi’iwaaye, war meesha iga qaada oo ha iiga tegina, yaan la igu gumaadine!”

War adeer! Haddaad geyi iyo goob kasta dakano ka gashay, annagu ma heli karno meel kale oo aad ku badbaadi kartid. Isla markaana, ma awoodno inaannu habeen iyo dharaar tunka kugu sidno oo ilaalo kaa ahaanno. Haddaba waxaannu ku odhan lahayn, is dabbir oo naftaada la tacaal!” waraabayaashii ehelka ahaa mid ka mid ah ayaa ku yidhi. Intay bar cidlo ah dhigeen ayay ka wada dareereen oo danahoodii raacdeen.

”´Dhagarqabe dhulka ayaa u dhaqdhaqaaqa,’ dhibtaan sameeyey dhaxalkeedii, miyaan dhadhamiyey! Miyaan dhulkii ballaarnaa ka waayay kob aan ku badbaado! Waryaara, anigu go’ay oo geeriyooday, godob baanse idiin kaga tegey!” Qooqane ayaa ku dardaarmay.

Maxamed C. Xasan “Alto”

Helsinki, Finland, 02.04.1997

xasan_maxamed@hotmail.com

Be the first to comment on "Dhagarqabe Dhulka Ayaa u Dhaqdhaqaaqa [Sheeko Gaaban].WQ.Maxamed C. Xasan “Alto”"

Leave a comment

 
%d bloggers like this: