Shabaab oo la wareegay Deegaanka Camaara oo Cadaado 100-km u jira

Deegaanka Camaara oo dhawaan ay tageen ciidamo isugu jira kuwa Galmudug iyo ciidamada milatariga Soomaaliya ee qeybta Danab ayaa maanta waxaa la wareegay maleeshiyada kooxda Al-Shabaab

Wararka laga helayo dadka deegaanka Camaara ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen goobo maqaayado ahaa, kuwaasi oo Shabaabka ay sheegeen inay fariisin u ahaayeen ciidamadii wada socday ee toddobaadkii hore gaaray Camaara.

Waxaa sidoo kale wararku ay sheegayaan in 20 qof ay Al-Shabaab halkaas ka ka xeysteen lamana oga halka ay la aadeen.

Camaara waxay magaalada Cadaado u jirtaa 100-KM. Illaa iyo hadda m ajiraan wax war ah oo kasoo baxay maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado oo arrintan ku aadan.

 

Xigasho VOA.

Be the first to comment on "Shabaab oo la wareegay Deegaanka Camaara oo Cadaado 100-km u jira"

Leave a comment