Video:-Wax badan ka ogow shaqsiyada iyo Taariikh Nololeedka Rw cusub ee Soomaaliya

Xasan Cali Kheyre ayaa dhashay Sanadkii  1968. , waa Soomaali heysta dhalashada dalka Norway, waxaa uu u dhashay Hawiye, Murusade, waxaa uu muddo dheer ka shaqeeyay dalka Norway .

Mudane Xasan Cali Kheyre, xilligan waa agaasimaha bariga Afrika shirkadda Ingiriiska ah ee Soma Oil and Gas, jagadaas uu hayey tan iyo 2013-kii, isla shirkaddaas waxaa uu ka mid yahay dadka ku leh saamiyada oo waxaa la qiyaasaa saamigiisa 1.1% oo u dhiganta 2 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Mudane Cali Kheyre, dad muddo badan la shaqeeyay waxay sheegeen in uu yahay NGO-te, yaqaano gorgortanka iyo sida heshiisyada loo kala tuuro, xitaa marka uu wasaaradda Petroolka ku soo biiray, waxaa uu marar badan qaban jiray shaqada wasiirka.

Ra’isul Wasaaraha la magacaabay, inta aan loo dhiibin xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa uu muddo ahaa agaasimaha bariga Afrika ee Norwegian Refugee Council.

Xasan Kheyre waxaa jagooyinka uu soo qabtay ka mid ahaa isagoo madax ka noqday Soma Management Ltd, waxaa uu lataliye iyo xiriir soke la lahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

February 17, 2016: UN Monitoring Group ayaa soo saaray warqad ay ku dalbanayaan in la baaro Xasan Kheyre dhaq-dhaqaadiisa xagga cashuuraha, lacagaha ugu jira Bangiyada, iyo credit cards-kiisa, iyagoo ku eedeeyay in ay ku tuhmayaan in uu xiriir la leeyhay kooxo ay ka mid tahay Xarakada Al-shabaab.

June, 9, 2016: Warqad La daabacay, waxaa ay UN monitoring ku Bari yeeleen Xasan Kheyre in uu wax xiriir ah la leeyahay kooxaha loogu yeero argigixisada, iyagoona arintaasi meesha ka saaray..

Muddadii uu madaxda ka ahaa xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa shirkaddaas lagu eedeeyay musuq iyo heshiisyo been-abuur ah.

Tusaale ahaan:

August 1, 2015: Xafiiska baarista dambiyada halista ah ee dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey in la furey gal dacwadeed ka dhan ah shirkadda shidaalka ka baarta Soomaaliya ee Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.

August 6, 2013 : Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda Soma Oil and Gas , oo ah shirkad markaas uun la sameeyey oo laga leeyahay dalka Ingiriiska , hawsha ay qabanayso shirkada waa uruurinta macluumaad la xiriira keydka shidaalka ee badda Soomaaliya.,

Dhanka kale Rw cusub ee Jamhuuriyada fadaraalka ayaa ka hadlay magacaabistiisa,waxuuna u mahad celiyay Madaxweyne farmaajo,waxuuna sheegay in uu aqbalay magacaabistaas,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Wax badan ka ogow shaqsiyada iyo Taariikh Nololeedka Rw cusub ee Soomaaliya"

Leave a comment