AMISOM oo xirtay Wasiirkii Gargaarka K.Galbeed iyo Gudoomiyihii Marka

Ciidamada AMISOM ee Degan xero kutaala deegaanka Ceel Jaalle ayaa shalay u yeeray Wasiirka Gargaarka iyo Naafada Koofur Galbeed,Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose iyo Guddoomiyihii hore ee Magaaladaa Marka.

AMISOM ayaa la sheegay in masuuliyiintan weydiiyeen halka ay ku dambeeyeen lacago gar gaar ah oo loogu tala galay dadka ay abaartu saameysay oo loo soo dhiibay, waxa ayna markii dambe u taxaabeen xabsi iyaga u gaar ah.

Masuuliyiintan ayaa la sheegay in xalay ku hoydeen xabsiga ay maamulaan ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay in ay ku socdaan baaritaano ku aadan lunsashada lacago gar gaar oo maamul Koonfur Galbeed ugu tala galeyn in loogu gurmado dadka abaartu saameysay.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan wali ka hadlin xarigan la sheegay in ciidamada AMISOM u geesteen masuuliyiin katirsan mamaulkaasi, waxaana arimahan imaanayaan xili horey looga digay in la musuq maasuqo gar gaarka loogu tala galay dadka abaartu ay saameysay.

Dhawaan dowladda Soomaaliya waxaa ay maamul goboleedyada ay u qeybisay lacag loogu tala galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen in la gaarsiiyo waxaana qaabkii lacagtaasi loo isctimaalay kasoo yeeray qeylo dhaano kala duwan oo ay jeedinayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Be the first to comment on "AMISOM oo xirtay Wasiirkii Gargaarka K.Galbeed iyo Gudoomiyihii Marka"

Leave a comment