Video:-ICG ”Dalalka Deriska ah Waxay qatar ku yihiin Rajada Soomaalida”

Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka “International Crisis Group” oo ay cinwaan uga dhigtay “Qatarta ay dalalka gobolka ku keeni karaan rajada Soomaalida” ayay diiradda ku saartay halista Madaxweeynaha cusub ee dalka uga iman karta dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay shaki weyn ka qabaan madaxweeynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in guusha Farmaajo ay fursad siineeyso dalalka daneeya arimaha Soomaaliya, taa oo ay nabad iyo xasilooni ugu soo celin karaan Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika. Balse weli waxaa jira ayaa lagu yiri warbixinta shaki laga qabo in Soomaaliya ay xasilooni ka hirgasho maadaama ay Kalsooni darro ka jirto dhanka dalalka awoodda leh ee geeska Afrika.

Dad badan ayaa rajo  wanaagsan ka muujinaya Kalsoonida iyo taageerada uu heeysto Farmaajo in ay suurogelin karto dib u heshiis qaran iyo weliba in uu xalliyo boogaha qotoda dheer ee laga dhaxlay dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay wixii ka danbeeyay 1991-dii.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Farmaajo waxaa aad u taageera qurbajooggta iyo dhalinyarada, in ka badan 125 kamid ah 283-da xubnood ee baarlamanka dalka waa qurbajoog, halka 165- Xildhibaanna ay da’doodu ka yartahay 35 sano jir.”

Heer gobol iyo Heer caalamiba warbixintu waxay qortay in dadaallada Farmaajo uu doonayo in uu wax ka badalo siyaasada arimaha dibadda ee dalkiisa laga yaabo in uu kala kulmo  dhibaatooyin adag.
Inkastoo uu qaaday tallaabooyin ku aadan in uu fulin doono ballanqaadyadiisii ku aadana in uu dib u dhisi doono ciidamadii xoogga dalka, hay’adaha dowliga ah, ka hortagga musuqqa iyo weliba mideynta Soomaalida, balse qanaaco la’aan iyo shaki ayaa keeni kara baa lagu yiri warbixinta in shacabku kahor yimaado.

Wadaniyadda ay shacabku ka aaminsayihiin Farmaajo ayaa si gaar ah wallaac ugu abuurtay Itoobiya, taasoo ku noqon karta mid la mid ah hadaysan ka weynayn caqabadaha gobolka uga iman kara Madaxweeynaha, ayadoo la ogyahay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka dhexeeyso colaad gaamurtay iyo weliba in xukuumadda Adisababa ay marar badan faragelin ku sameeysay Soomaaliya, wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee sanadkii 1990.
Sanaddii 2006, Itoobiya waxay gudaha u gashay Soomaaliya si ay u burburiso Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah oo ka talin jiray inta badan gobollada dalka, kuna guuleystay in ay soo celiyaan nabaddii, Mudadii lixda bilood ee ay maamulayeen qeybo ka tirsan Soomaaliya xukuumadda Adis waxay u aragtay in ay qatar ku yihiin Itoobiya ayna raadinayaan Soomaali weyn.

Madaxweeynaha cusub ayay warbixintu qortay in uu ka warqabo shakiga dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka qabaan, isagoo fariin dabacsan u dirayay xukuumadaha Adisababa iyo Nairobi, sheegayna in uu xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah la yeelan doono.

Warbixintu waxay sheegtay in weli ay jiraan calaamado muujinaya in xiisadaha gobolka ka taagan ay sii xumaan karaan, Taageerayaasha Farmaajo ee isticmaala baraha Bulshada ayay warbixintu sheegtay in ay faafiyeen muuqaallo muujinaya Madax ka tirsan Itoobiya oo jooga goobtii doorashada ayagoo siinaya halku dhigyo ay kamid yihiin “Itoobiya waxay ka naxday Natiijada Doorashada”, hadalladan oo ay aad u isticmaalayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo daafaha caalamka, kuwaa oo u arka in Farmaajo ka hortagi doono faragelinta dalalka deriska ah ay ku hayaan arimaha Soomaaliya.

Howlgallada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayay warbixintu sheegtay in ay noqon karaan kuwo guuleysta, ayadoo warbixintu sheegtay in Farmaajo mudadii lixda bilood ee uu raysul wasaaraha ahaa ku guuleystay in Shabaab uu ka saaro Caasimadda, hadana uu heysto fursad uu meesha uga saari karo awoodda Al-shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Wixii ka danbeeyay doorashadii Farmaajo warbixintu waxay sheegay in ay jiraan warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo uu hogaaminayo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ay doonayaa in ay isu dhiibaan dowladda cusub ee Soomaaliya, Ayadoo warbixinta lagu sheegay in arrintan ay fursad u tahay dowladda cusub, loona baahanyahay in Midowga Afrika iyo Beesha Calamkuba ay ku taageerto dowladda cusub in ay diiradda saarto dib u heshiisiin qaran.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

Be the first to comment on "Video:-ICG ”Dalalka Deriska ah Waxay qatar ku yihiin Rajada Soomaalida”"

Leave a comment