Voideo:-Waqooyiga Kuuriya oo tijaabiyay Gantaal ka qalisiiyay caalamka

Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta markale tijaabiyay gantaal aan noociisa la aqoon, kaa oo ku dhacay badda dalka Japan sida laga soo xigtay saraakiil katirsan Dowlada Kuuriyada Koonfureed.

Gantaalkan ay tijaabisay Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa laga riday gobolka Tongchang-ri oo ku dhaw xadka Woqooyiga Kuuriya la leedahay Shiinaha, waxaana gantaalkan la tijaabiyay mar kale xiisad ka abuuray dowladaha dariska la ah Waqooyiga Kuuriya.

Gantaalka waxa laga ganay gobolka Tongchang-ri oo ku dhaw xadka Woqooyiga Kuuriya la leedahay Shiinaha, sidaana waxa sheegay milatariga Koonfur Kuuriya.

Bishii hore ayaa Woqooyiga Kuuriya waxay sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaalaha riddada dheer ee loo yaqaan Ballistic Missile oo markii la tijaabinayey uu goob joog ka ahaa hogaamiye Kim Jong-un.

Qaramada Midoobay ayaa Woqooyiga Kuuriya ka mamnuucday in ay tijaabiso wax gantaallo ah oo cusub iyo adeegsiga tiknoolojiyada nukliyeer kaba.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Voideo:-Waqooyiga Kuuriya oo tijaabiyay Gantaal ka qalisiiyay caalamka"

Leave a comment