Xoghayaha Arimaha Dibada Britain oo soo gaaray Muqdisho

Xoghayaha arrimaha dibedda Britain Boris Johnson ayaa maanta socdaal aan horey loo shaacin ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Johnson ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana uu kadib halkaas kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo xoghayaha arrimaha dibedda ayaa ka hadlay arrimo ay mid yihiin gargaarka loo fidinayo dadka abaaraha ay saameeyeen ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Xafiiska arrimaha dibedda Britain, weli war rasmi ah kama soo saarin booqashada Johnson ee Muqdisho.

Britain ayaa gargaar u codsaneysa abaaraha ka jira Soomaaliya. Arbacadii ayaa Britain waxa ay sheegtay inay bixin doonta lacag la mid ah shanta milyan ee gini ee ugu horreysa ee shacabka Soomaaliyeed ay ku deeqaan abaaraha Soomaaliya.

Be the first to comment on "Xoghayaha Arimaha Dibada Britain oo soo gaaray Muqdisho"

Leave a comment