Kenya oo sheegatay in ay dishay 31 maleeshiyada Alshabaab ka mid ah

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay 31 Al-Shabaab ah ku dileen weerar ay ku qaaday xarun ay kooxda ku leedahay degmada Badhaadhe, Jubbada Hoose.

War saxaafadeed dowladda Kenya ay soo saartay waxaa lagu sheegay in KDF ay soo qabteen 11 AK-47 ah, afar miino, qalab isgaarsiin, cunto iyo dharka ciidamada.

Warka dowladda Kenya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadeena dhulka ay fuliyeen weerarka, kuwaas oo taageero ka helayay diyaaradaha qummaatiga u kaca.

Weerarka ayaa la sheegayaa in uu dhacay Axaddii. Warkaas ka soo baxay Kenya ayaan weli loo xaqiijin karin si madaxbannaan.

Dowladda Kenya ayaa soo saartay sawirada qaar ka mid ah waxyaabaha ay sheegtay in ay duullaankaasi ku soo qabatay.

Horraantii bishan ayey dowladda Kenya sidoo kale sheegatay in 57 ay Al-Shabaab uga dishay deegaan ku dhow degmada Afmadow.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay weerarkaasi u adeegsadeen madaafiic iyo diyaarada, kaas oo lagu qaaday meel loogu magacdaray Subow.

Goobtaasi la weeraray ayaa qiyaastii 31km dhanka Woqooyi-Galbeed kaga beegan degmada Afmadow.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya galay bishii October ee sanadkii 2011-kii, waxayna dib uga biireen howlgalka AMISOM.