Video:-Madaxweyne farmaajo oo markale baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Wasiirada cusub

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya in ay meel mariyaa xukuumada cusub ee dhawaan uu soo dhisay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu taageeray gollaha wasiirada cusub oo sida uu hadalka u dhigay ah dad aqoonyahanno ah oo ka soo bixin kara howsha loo idmaday, sidaa daraadeed baarlamaankana uu ka filayo in ay codka kalsoonida siiyaan.

‘’Dalka waxaa uu ku jiraan xaalad adag, abaaro iyo dagaal lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab sidaa daraadeed si howlaha – na hor yaala loo dardar galiyo baarlamaanka waxaa ka codsanayaa in ay ansixiyaan xukuumada’’ ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cadullaahi Farmaajo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka