Shirkada CCECC oo Puntland ka bilaabaysa shidaal baaris iyo mashaariic kale

Golaha Wasiirada ee maamulka Puntland oo shalay kulankoodii qamiislaha ahaa isugu yimid magaalada Garoowe ayaa ansixiyey heshiis Puntland uu la galay shirkad ka soo jeeda dalka Shiinaho oo ka shaqeysa dhismooyinka.

Shirkaddan oo lagu magacaabo China Civil Ingnineering Construction Corp. ayaa horey heshiiskan ula saxiixatay madaxweyne C/weli Gaas oo ku sugnaa magaalada Addis ababa.

“heshiiskan ay wada gareen Puntland iyo CCECC wuxuu ku saabsan yahay in shirkaddu ay dhisto garoonka diyaaradaha Galkacayo, iyo Wadada isku xirta EYL/Garowe, arrintan oo k amid ah siyaasadii dowlada ee horumarinta kaaba-yaasha dhaqaalaha si puntland u noqoto dal la tartami kara dhigaalkiisa” ayaa lagu yiri war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii gollaha Wasiiradda ee Puntland.

Warar hoose oo laga helayo ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in hirgalinta mashaariicdan ay ku xiran tahay saxiixa Dekeda Bosaso oo la filayo in uu dhaco saxiixaas maalmaha soo socda.

Shirka DW iyo dawlada Puntland ayaa waxaa usocday wadaxaajood ay uga arinsanayaan sidii Dekeda Bosaso maamulkeeda loogu wareejin lahaa shirkadaas,taa badalkeedana ay shirka DW ugu samayso dekeda maalgashi iyo qalabayn .

Muhiimada Warku waxuu yahay in shirakada CCECC ay shidaal baaris ka bilaabayso Puntland,taa badalkeedana ay Puntland u dhisayso garoonka Diyaaradaha galkacyo iyo wadada isku xirta Eyl iyo Garowe.

Waa war aad u sareeya shacabkuan aad ugu farxay soona dhaweeyeen.

Labada mashruuc waa labo muhiim ah oo dalka iyo dadka wax ugu yaal,shacabkuna baahi badan u qabaan.

Sidoo kale mashruuca shidaal baarista ayaa laftigiisu qiimo u leeyahay dalka oo ugu yaraan soo kordhin karaa shaqo abuuris.

Su’aasha taagan ayaa ah shakiga shacabku ka qabo in warkan uu noqdo mid dhab ah oo aan noqon Dibigii doolood oo dhagtiisu waxsan ay maqasho ,balse ishiisu aysan waxsan arag.

 

 

 

Halkan ka akhriso heshiiska:-