Video:-In ka badan 40-qof oo ku geeriyooday Qaraxii kaniisada ee Dalka Masar

A general view is seen as Egyptians gather by a Coptic church that was bombed on Sunday in Tanta, Egypt, April 9, 2017. REUTERS/Mohamed Abd El Ghany

43 ruux ayaa ku dhimatay ugu yaraan 70 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay kaniisad ku taalla magaalada Danda caasimada gobolka waqooyi galbeed ee Masar.

Ilo amaanka ah ayaa sheegay in baaritaano laga samaynayo dhamaaan guryihii ku hareeraysnaa kiniisada St. George , halka dhaawacana ay daad guraynayaan gawaarida gargaarka ee umbalaasta.

Qaraxa ayaa dhacay xilli lagu guda jiray  duquusta subaxnimo ama cibaadada subaxii ay sameeyaan , waayo, dadka Masiixiyiinta ah ee magaaladasi waxay  u dabaal degi lahaayeen  mid ka mid ah fronds ee sidoo kale loo yaqaan Palm Sunday ee Masar.

Waxa uu Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, Golaha Difaaca Qaranka ugu baaqay in ay si deg deg ah isugu yimaadaan maanta.

Ilaa iyo hada lama garanayo sababta loo gaysatay qaraxan, balse gudoomiyaha magaalada ayaa usheeqay telefeshinka Masar in laga yaabo sababta qaraxa in ay tahay bum ama naftii hure is qarxiyay,hoos ka daawo muuqaalak.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad