Ciidamo Dawlada Xamar kawada tirsan oo ku dagaalamay xalay Magaalada Muqdisho

Iska horimaad ayaa goor dhow abaare 10:40am caweysnimo ee caawa ka bilowday inta u dhexeysa fagaaraha Tarabuunka iyo Isbitaalka xoogga oo ku yaalla meelo isku dhow oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Rasaas culus oo darandoori ah ayaa halkaas laga maqlayaa taasoo ay isweydaarasanayaan dhinacyada dagaalamaya.

Sida aynu wararka ku heleyno iska horimaadkan ayaa u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowlada federaalka Somalia.

Nawaaxiga fagaaraha Tarabuunka ayaa waxaa fariisimo ku leh ciidamo ka tirsan nabad sugida iyo ciidamo kumandos oo dowlada Imaaraatku u tababartay dowlada Soomaaliya, wararkuna waxay sheegayaan in labadan ciidan uu dagaalku u dhexeeyo.

Sababaha iska horimaadkan ayaan weli la ogeyn, waxaana jira khasaare nafeed oo ka dhashay inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxaana la maqlayaa dhawaqa gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta oo halkaas ku sii cararaya.