Video:-Madaxweyne Farmaajo”Labo sano ayay nagu qaadan doontaa in aan Alshabaab soo afjarno”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiiru dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka, talyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Wasiirro, Xildhibaanno, Diblomaasiyiin kala duwan iyo ciidammada Xoogga dalka qeybahooda ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaaldegayo sanad-guurada 57-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka xoogga dalka oo ku beegan 12-ka April, iyadoo munaasabaddu lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidammada Xoogga qeybahooda kala duwan ayaa goobta ku soo bandhigay Fantasiyo qurux badan, waxaana fannaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka Xoogga ay xafladda dhankooda ku soo bandhigayaan heeso iyo Riwaayada ka turjumaya xuska lagu weyneynayo sannad-guurada 57-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka