Maxaa kala socotaa qorshaha dib u dhiska Ciidamada Qaranka Somaliya?

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed (NSA) waxay noqon doonaan 18,000 oo askari. kuwaasi oo kala joogaya xeryihii ciidanka qaranka (12-aad, 21-aad, 43-aad, 49-aad, 48-aad, 54-aad, 26-aad iyo 60-aad).
 
Ciidamada gaarka (Special Forces) Waxay noqon doonaan 4,000 oo askari waa ciidanka (Danab), sida qorshuhu yahay waxaa xaro kasta oo ciidanka qaranka saldhig u ah waxa joogi doona 500 oo askari oo ciidamada gaarka ah .
 
Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed (Police), waxay noqon doonaan 32,000 oo askari. oo iskugu jira Heer Federaal iyo mid maamul goboleed.
 
Dhameystirka qorshan iyo diyaarintiisa waxaa la sheegay in la doonayo in lagu dhameystiro lix bilood gudahood , oo ka bilowmaya 1-da June 2017.