Puntland iyo Itoobiya oo heshiis horumarinta Ganacsiga ah wada gaaray

Dowladda Puntland ee Soomaliya iyo dowladda Itoobiya ayaa isku afgartay heshiiskii ugu dambeeyey ee lagu doonayo in lagu furo kastam ganacsi ee Tuurdibi ee isku xiraya Puntland iyo dowladda Itoobiya , waxaana heshiiskan saxiixay guddiyo kala matalaya labada dhinac.

Dowladda Itoobiya ayaa u xilsaartay agaasimaha guud ee arimaha Afrika iyo IGAD Mr.Berhane Fisseha , halka guddiga Puntlandna uu hogaamiye u yahay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Cabdiwali Indho-guran.

Waxaa madasha goob joog ka ahaa wasiiru dowladaha arimaha dibadda Itoobiya iyo madaxwaynaha Puntland.

Kastam-ka Tuur Dibi waxaa laga hirgelinaya meel u dhow magaalada Galdogob, waxaana lagu micneeyay inuu halbowle u noqonayo xoolaha Puntland oo suuq ka hela Itoobiya iyo in badeecadaha dekedda Bosaaso lagaarsiiyo deegaanada Itoobiya ay maamusho.