Gudaha Villa Somaliya oo laga bilaabay hawlgal ka dhan ah alshabaab

Wararka aan ka heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta halkaasi ciidamo gaar ah oo katirsan dowlada Soomaaliya ka sameeyeen howlgal lagu baadi goobayo xubno la tuhmayo in ay xariir la leeyihiin ama la shaqeeyaan Al Shabaab.

Ciidamada dowlada ayaa inta ay howlgalka wadeen waxa ay xireen rag ay tuhmayaan in wada shaqeyn hoose kala dhaxeyso Al Shabaab, waxaana dadka la xiray ku jiray askar katirsan ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa ku sugnaa xarunta Madaxtooyada.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in howlgalka uu wali yahay mid socdo laguna baadi goobayo dad kale oo la tuhmayo, waxaana dadka la xiray laga qaaday moobeelada ay heesteen si loo baaro xariirada ay sameeyeen.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo laamaha amaanka ayana wali wax war ah kasoo saarin howlgalka laga sameeyay gudaha Villa Soomaaliya iyo dadka la tuhmayo ay xireen ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya .

Xarunta Villa Soomaaliya waxaa horey uga dhax dhacay weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ay abaabuleen xubno la sheegay in ay ka dhax shaqeenayeen gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya