Sawiro:-R/wasaare Kheyrre oo guddoomiyey Shirka Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka ee Somaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Amniga, kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda laamaha amniga dalka,waxaana lagu falanqeynayey sidii loo xasilin lahaa ammaanka Muqdisho.
 
Ra’iisul Wasaaraha oo shirka hadal ka jeediyay ayaa u soo jeediyey madaxda laamaha amniga in-ay dardar-geliyaan hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta muqdisho.
 
Madaxda laamaha amniga qaranka ,ayaa iyaguna shirka ka hadley kana warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbadey shacabka inay taageeraan barnaamijyada muqdisho lagu xasilinayo.
 
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in amniga uu yahay muhiimadda koowaad ee dawladda ay ku dhisan tahay xukuumadiisuna ay ka shaqaynayso sidii lagu heli lahaa amni lagu kalsoon yahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.
 
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa joogtada ahaa ku tagey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, wuxuuna shaqaalaha Wasaaradda kala qeyb qaatay barnaamij loogu baroor diiqeyey Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji. Isagoo ku tilmaamay shaqsi tusaale u ahaa jiilka soo koraya, isla markaana ahaa nin dhalinyaro oo wadani ah.