Maxay kawada hadleen wasiirka socdaalka kanada iyo farmaajo?

Madaxweynaha Farmaajo iyo wasiirka socdaalka iyo jinsiyadaha Canada Axmed Xuseyn,ayaa kullan gaar ah magaalada London kula yeeshay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha dalka Kanada.
Madaxweyne farmaajo iyo Axmed Xuseyn waxyaabaha ay kawada hadleen,ayaa waxaa kamid ahaa:-
 
1.Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal,
2.Dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda Canada siiso Soomaaliya,
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada islamarkaana ay muujineyso dedaal dheeraad ah, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Canada taageerada joogtada ah oo ay la garab taagantahay shacbiga Somaliyed.
 
Dhanka kale Wasiir Axmed Xuseyn,ayaa dhankiisa ballanqaaday inay dowladda Canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo farta ku fiiqay in xukuumadda Canada ay malaayiin doollar ku bixisay gurmadka abaaraha iyadoo laga jawaabayo baahida iyo dhibaatooyinka abaaraha.