Cali Khaliif Galeyr oo markale kusoo hungoobay Hargaysa!!!

Cali ayaa maalmahan ku joogay socdaal dhuumaalaysi ah magaalada Hargaysa,waxuuna maanta kula kulmay Siilaanyo iyo Muuse Biixi.
 
Kulanka dhexamaray Cali Khaliif iyo madaxda beesha Isaaq,ayaa looga xaajooday codsi markale uu la tagay Haragysa Cali.
 
Hadaba qodobada Cali Hargaysa la tagay ee laga wada xaajooday maanta, ayaa waxaa ka mid ah:-
 
 
1. Wuxuu weydiistay dhaqaale iyo in loo hubeeyo 200 oo ciidan ah uu ku qabsado Laasanod iyo Buuhoodle.
 
2. In xilka laga qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland.
 
3. In Khatumo lagu taageero lacag dhan 1 million oo dollar
 
Maamulka Somaliland ayaa ku gacan sayray dhamaan codsigii Ali Khalif uga yimid. Ali ayaa la filayaa inuu Nairobi u soo dhoofo kadib markii uu weji gabax kala kulmay Hargeisa. Cali kuma laaban karo Widh Widh asagoo fara maran.