Ciidamada xasilinta muqdisho iyo ciidan beeleedyo iskaga hor yimid xaafada wadajir

Warar goor dhow naga soo gaaray degmada Wadajir ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu agagaarka Suuqa weyn ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka qeyb qaadnaaya howl galada xasilinta Muqdisho iyo ciidan kale oo hubeysan.
 
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo watay labo ka mid ah gaadiidka dagaalka ay istaajiyeen labo nin oo hubeysan, marayay agagaarka Suuqa weyn, waxaana ay ku amreen inay hubka dhigaan.
 
Labada nin ee hubeysan ayaa la sheegay inay ka biya diideen amarka, waxaana kaddib dhex martay is rasaaseyn kooban.
 
Is rasaaseynta ayaa xaalad qal qal ah iyo cabsi ku abuurtay dadkii ku dhaqnaa suuqa weyn, halkaasoo markii dambe lagu kala cararay.
 
Lama soo sheegin cid wax ku noqotay iska hor imaadka, waxaana wali ka jirta suuqa weyn ee degmada Wadajir xaalad kacsanaan ah.
 
Ciidamada ammaanka ee u xil saaran howl galka xasilinta Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah qorigii uu watay ninkii hubeysnaa, halka midka kalena uu baxsaday.
 
Intaas kaddib ayaa ciidamo deegaanka oo ku soo baxay is rasaaseynta waxay hareereeyeen ciidamadii ammaanka ee watay gaadiidka dagaalka, waxaana muddo labada dhinac oo ay keeb la yuurar ahaayeen, kaddib soo dhex galay saraakiil iyo maamulka degmada oo markii dambe ku amray inay goobta isaga tagaan, sidaasna xiisada lagu dejiyay.
 
Goob joogayaal ku sugan degmada Wadajir ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa howl galka xasilinta Muqdisho ay soo gaareen degmada Wadajir.
 
La ma sheegin waxyeello ka dhalatay is-rasaaseynta labada dhinac dhex martay.
 
Howlgalka hub-ka-dhigista ah ayaa beryahanba ka socday xaafadaha magaalada Muqdisho, waana arrin ay dad badan aad u soo dhaweeyeen.