Dhagayso:-Alshabaab oo macalimiin ka afduubtay gudaha kenya

Maleeshiyada ururka al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay qof ku dileen, sidoo kalena macallin ay ku afduubteen weerar ay xalay ku qaadeen tuullada FAFI oo 90 km u jirta magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Maleeshiyadan ayaa sidoo kale weerarkaasi ku gubay dugsi halkaasi ku yaalla, sidoo kalena burburisay anteennooyin ay lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

Weerarkan ayaa imaanaya ayada oo maalmihii ugu dambeeyey dhowr qof lagu dilay qaraxyo ku dhacay deegaano ku yaalla gobolka waqooyi bari Kenya ee ku dhow xuduudda Soomaaliya,hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka