Dhagayso:-Sacuudiga oo Somaliya ku cadaadinaya in ay xiriirka ujarto dalka Qadar

Dowladda Sacuudiga ay la sheegayaa inay dowladda Soomaaliya ku cadaadinayso sidiii ay xirirka ugu jari lahayd Qatar.
 
Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaqaale Sacuudigu uu u balanqaaday inuu siinayo Soomaaliya uu dib u dhac ku iman karo haddii ay Somalia ay mowqifkeeda ku adkaysato oo aysan Sacuudiga taageerin.
 
Wasiirro ka socda dowladda Somalia ayaa ka soo noqday safar ay ku tageen Sacuudiga, waxaana la sheegay inay la kulmeen oo kaliya agaasimayaal, halkii markii hore qorshuhu ahaa inay la kulmaan wasiirada dhigooda ee Sacuudiga,hoos ka dhagayso codka.
Halkan ka dhagayso codka Safiirka