Video:-Maraykanka oo Qadar ka iibinaya diyaarado dagaal

Dowladda Qadar ayaa heshiis uu ku baxayo kharash gaaraya 12 bilyan oo doolar la saxiixatay dowladda Mareykanka.

Lacagtaasi ayaa dowladda Qadar waxa ay Mareykanka uga soo iibsaneysaa diyaaradaha dagaalka ee F-15.

Heshiiskaasi ayaa lagu gaaray kulan magaalada Washington ku dhex maray wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis iyo dhiggiisa Qadar, waxa uuna ku soo beegmayaa maalmo uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu dalka Qadar oo ay xulufo yihiin uu ku eedeeyay in uu maalgeliyo argagixisada.

Dowladda Qadar ayaa beenisay dhammaan eedeymahaasi.

Waddamada kale ee Khaliijka ayaa dhawaan xiriirka u jaray dalka Qadar, waxa ayna ku eedeeyeen in ay xasilooni darro ka abuureyso gobolka, maadaama sida ay sheegeen ay taageerto kooxaha xagjirka ah isla markaana ay xiriir la leedahay dalka Iiraan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka