Video:-Gudoomiyaha Gobolka Bari oo fariin adag udiray beelaha dega Bay iyo Bakool

Gudoomiyaha Gobalka Bari wuxuu ku hadlay hadal xigmad leh iyo dhiiri galin ku socota reer Baay iyo Bakool.
Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waays (Dhedo) ayaa baaq udiray shacabka ku nool gobolada Baay iyo Bakool, baaqaas oo ah inay celiyaan dadkooda loosoo adeegsanayo inay lagu wiiqo nabad gelyo Puntland.

ā€ Reer Baay iyo Bakoolow waxaan idiin sheegaynaa Bosaso kaliya waxaanu ku haynaa oo ku nool 29,800 oo dadkiina ah, kuwaas oo leh xuquuqda kan Puntland u dhashay, Marka miyaanu idinka istaahilnaa inagoo sidaas idiin soo dhoweynay inaad noogu abaalgudaan inaad baabuur noo soo saartaan kuwa ina qarxinaya oo cadow ku ah jiritaankeena,ā€ ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari Mr. Dhedo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka