Ciidamo isgarabsanaya oo fariisinada alshabaab ee shabeelada dhexe weerar ku ekeeyay

Ciidamada Milateriga Soomaaliya, oo ay wehliyaan Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa saaka weerar ku qaaday tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la soo sheegayo in dagaalo culus ay ka socdaan tuulooyinka qaar.
 
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay weerareen tuulooyin dhinaca bari ka xiga Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo hoos taga degmada Mahadaay
 
Howlgalka ayaa ku jiheysnaa inta u dhaxeysa degmada Mahadey iyo deegaanka Biyo-Cade, illaa iyo haddana lama oga heerka uu gaarsisian yahay khasaaraha ka dhashay howlgalka.
 
Tuulada Cal Fooldheere oo ka mid ah deegaanadii lagu dagaalay ayaa la sheegay in ay guryo ku gubteen rasaasta culus oo ay is-weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
 
Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Gen Caanood oo la hadlay Saxaafada,ayaaa waxa uu sheegay in uu hada dagaalka xoogiisa ka socdo deegaanka Cali foolaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.