Midawga Yurub oo beeniyay in markab ay leeyihiin uu ku qarxay Bada Puntland

Waxaan xaqiijinaynaa in wax shil ah uusan ka dhicin maraakiibtayada dagaalka ee ilaalisa xeebaha Soomaaliya.
 
Dhammaan shaqaalaha maraakiibtayadu waa badqabaan, wax dhib ahna ma jiraan” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka howlgalka Ciidamada Midowga yurub ay soo dhigeen bartood twitterka.
Qaar ka mid ah dadweynaha degan Degmadda Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee xeebaha Puntland ayaa idaacada VOA u sheegay  inay arkeen markab weyn oo ay u malaynayaa inuu yahay midka dagaalka oo qarxaya  ka dibna biyaha quusay