Video:-Daawo madaxweyne Gaas oo hanjabaadii ugu adkayd u diray alshabaab

Madaxweyne Gaas ayaa maanta ka qaybgalay xaflad qalanjabin ahayd oo ka dhacday Garowe,xafladaas ayaa loo qabtay Ardayda Dugsiga sare ee  Ganbool Garowe.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay,waxuu madaxweynuhu dardaaran iyo dhiiraglin usoo jeediyay ardayda qalanjabisay,sidoo kale waxuu ardayda uga waramay ama u sharaxay khataraha horyaala ee ay ka mid yihiin ku biirida Argagixisada ,Tahriibka iyo Burcad badeeda,si gaar ah waxuu madaxweynuhu ugu dheeraaday u sharaxida ardayda ee kooxaha argagixisada ah sida alshabaab.

 

”Alshabaab waa dhamaanayaan,waa dabayl na dhaafaysa,waxayna la mid yihiin kuwo badan oo horay noo soo maray,waa laynaynaa oo waliba karkarinaynaa,haku habsaamina ee iska ogaada khatarta alshabaab”ayuu yiri madaxweyne Gaas,hoos ka daawo muuqaalka khudbada madaxweynaha.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka